• Rate : 1.331
  • BXD : 1.361
  • Date : 22 September 2017
  • Time : 9:00 Am
  • Updated by : Admin
Send to:
News

Bangi Cusub oo La dhagax dhigay magaalada Gaalkacayo



Waxaa maanta
si rasmi ah looga dhagax-dhigay magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug
dhismaha cusub ee shirkada xawaalada IFTIN Bank,dhismahan ayaa noqon doono mid
balaaran oo bilicsan isla markaana ka kooban qaybo kala duwan.


Xaflada dhagax dhiga dhismaha cusub ayaa waxaa ka soo qayb galay
masuuliyin sare oo ka socda shirkada IFTIN groub maamulka gobolka Mudug iyo
marti sharaf kale waxaana qandaraaska dhismaha xaruntay qaadatay shirkada
dhismaha ee GECONSULT .


Gudoomiyaha Gobolka Mudug Maxamed Yusuf Tigey ayaa dhagax-dhigay
dhismaha cusub ee Bankigu ku yeelan doono magaalada Gaalkacyo, waana naqashad
gooni ah oo nooceeda oo kale horay looga dhisin magaalada Gaalkacyo.


Tigay ayaa uga mahadceliyay ganacasatada shirkada IFTIN Bank wuxuu ku
tilmaamay in ay muujinayaan masuuliyada ka saaran maal-gashiga dalkooda,
Gudomiyaha ayaa ganacsatada kale ee dibeda jirta ugu baaqay maal-gashi in ay ka
samaystaan dalkooda.


Shirkada qaadatay qandaraaska dhismaha xarunta cusub ee Iftin ayaa
sheegtay in dhismahan uu ka koobnaan doono sadax dabaq oo leh tayo iyo qurux
soo jeedan doonta dhamaan macaamisha adeegsada xawaalada Iftin Bank .


 


Ugu danbayntii wakiilada shirkada xawaalada Iftin Bank ee goobta ka
hadlay ayaa sheegay in dhismayaasha noocaan ah ay horay uga soo dhiseen
magaalada bosaso islamarkaana ay dhawaan ka soo dhagax dhigeen caasimada
Puntland ee garoowe dhawaana ay ku fidin doonaan dhamaan dhulka Soomaalida .